Soomaaliya: Tirada Dadka Ka Bogsanaya COVID19 Oo Korodhay

Published: June 19, 2020

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 23 kiis oo cusub oo ah COVID19 24kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 2,719 kiis.


Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala joogaan Somaliland 19, iyo Gobolka Benaadir 4 qof.


Dhanka kale Dr. Fowsiya ayaa sheegtay inay fayraska ka bogsoodeen 39 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 724.


Bukaannada cusub dhamaan 23 kooda waa rag. 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 88 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *