Xarunta Ka Digista Halis-wadareedka Iyo Musiibooyinka Soomaaliya Oo La Hirgeliyey

Published: June 19, 2020

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya hirgelisay xarunta ka digista halis-wadareedka iyo musiibooyinka Soomaaliya.


Waxa uu sheegay in xogta la xiriirta dhammaan halis-wadareedka ay horay u bixin jireen hey’ado iyo ururro aan dowli ahayn balse wixi hadda ka dambeeya laga heli doono xogtaas xarunta qaranka ee ka digista halis wadareedka.


“ Diyaarinta iyo hirgalinta xarunta kaliya kuma saabsana adeeg cusub oo la helay, hase yeeshee waxey tallaabo loo qaaday xoojinta madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya. Annaga oo adeegsaneyna xaruntaan, waxaan awood u yeelan doonnaa in innaga gacanta ku heyno xogto cimilada iyo macluumaadka la xiriiro ee dalka.” Ayuu yiri Wasiir Xamsa.


Xaruntan ayaa la rajeynayaa in ay ka mid noqoto mashaariicda la dhammaystiray ee dhawaan ay xarigga ka jiri doonto xukuumadda Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *