Madasha Xisbiyada Qaran Oo Ku Baaqay Kulan Degdeg Ah

Published: June 20, 2020

War Saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay inay dowlada federaalka Soomaaliya ku fashilantay qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas bedelkeedna dowladu ku mashquulsan tahay muddo kororsi aan suuragal ahayn.

Madasha Xisbiyada ayaa ku baaqay kulan degdeg ah oo looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka, waxayna sidoo kale ka hadleen Qoondada haweenka, kuraasta waqooyi, maqaamka caasimada iyo matalaadda gobolka Banaadir.

Dhanka kale Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ugu baaqay 25/june/2020 inay isugu yimaadaan shir lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya.

Hoos ka akhriso go’aamada:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *