Ururka Iskaashiga Islaamka Oo Soo Dhoweeyey Wadahadalada Soomaaliland Iyo DFS

Published: June 20, 2020

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Dr. Yuusuf Al-Cuseymiin ayaa boogaadiyay shirkii Jabuuti ee wadahadalada Soomaaliland iyo dowlada federaalka Soomaaliya, kaas oo horseeday heshiis dhexmaray labada dhinac oo suurtagaliyey in la sameeyo guddi farsamo oo isku dhaf ah kuwaas oo sii amba qaada wadahadalada isla markaasna dabagal ku sameeya qodobbada muhiimka ah ee wali harsan.


Dr. Alcuseymiin ayaa ku amaanay madaxweyne Farmaajo sida ay uga go’an tahay in la xalliyo tabashada Soomaaliland, wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay kor u qaadista nabadda iyo horumarka gobolka.

Wuxuu u mahadceliyey Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle sida uu usoo agaasimay wadahadaladdii ugu dambeeyey kuwaas oo ay goob jooga ka ahayd beesha caalamku.


Dr.Mishcal ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay dalalka Jaamacadda Carabta in ay gacan ka geystaan xasillonida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *