Aaden Ducaale Oo Laga Qaaday Hogaanka Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya

Published: June 22, 2020
Aaden Barre Ducaale

Hoggaamiyihii aqlabiyada Baarlamaanka Dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa maanta laga qaaday xilkaasi, kadib markii inta badan xubnaha xisbiga talada haya ee Jubilee ay kala noqdeen kalsoonida, waxaana xilkaas loo magacaabay xildhibaan Amus Kimunya oo ka tirsan isbaheysigii xisbiga Jubilee.


Aaden Barre ayaa ah mudane laga soo doorto Gobalka Waqooyi Bari Kenya gaar ahaan magaalada Gaarisa oo ay Soomaalidu degto, wuxuuna baarlamaanka Kenya ka tirsanaa 13 Sano halka sideed sanno oo kamid ah uu ahaa hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka.


Jagadan Hogaamiyaha aqlabiyadda ayaa ah awoodda afaraad ee dalka marka laga yimaado madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamanka.


Sidoo kale Aadan Keynaan oo ah mudane laga soo doorto deegaanka Ceel-dhaas ee ismaamulka Wajeer ayaa loo magacaabay xoghayaha Baarlamaanka xisbiga Jubilee.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *