Soomaaliland Oo Ogolaatay Qodobkii Isu Socodka Ee Wadahadaladii Jabuuti

Published: June 23, 2020

War Murtiyeed kasoo baxay shirkii jabuuti ayaa lagu daray qodob cusub oo ahaa kii ugu adkaa intii shirku socday, Qodobkan oo ah isu socodka dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, balse waxaa laga reebay isku socodka siyaasiyiinta oo ahaa qodob la isku mari waayay.

“Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri war murtiyeed Soomaaliland.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu muujiyay howlaha laga rabo inay qabtaan Guddiyada farsamo ee labada dhinac kuwaas oo loo qorsheeyay inay sii wadaan wada hadalada, isla markaana 45 cisho kadib kulan la isugu iman doono, iyadoo kulamadaas uu fududeynayo Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *