Sucuudiga oo Go’aan Ka Soo Saaray Xajka Sanadkan 2021

Published: June 23, 2020

Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in sanadkan loo ogolyahay oo kaliya inay gutaan waajibaadka xajka dadka ku nool gudaha wadanka Sucuuudiga si looga hortego faafitaanka cudurka coronavirus.

Wasaaradda sucuudiga u qaabilsan arrimaha Xajka ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in la joojiyay dadkii dalka dibadiisa ka imaan jiray si u gutaan waajibaadka Xajka.

Wasaaradu waxay sheegtay in xajka loo ogolaan doono oo kaliya Sanadkan muwaadiniinta u dhashay sucuudiga iyo muwaadiiniin kale ee ku sugan gudaha boqortooyada Sucuudiga.

Ilaa labo milyan oo qof oo xujay ah ayaa sanadka kasta booqan jirtay Masjidka Xarama ee Maka iyo Masjidka Nabiga ee Madiina si ay u gutaan waajibaadka Xajka

Wadanka Sucuudiga , tirada Dadka uu ku dhacay Cudurka coronavirus ayaa ka badan 160 kun qof, waxaana u dhintay dad gaaraya 1,307  qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *