Bangiga Aduunka oo ansixiyay 55 milyan oo lagu Kabayo misaaniyadda DFS

Published: June 24, 2020

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Duacaale bayle ayaa sheegay in Bangiga aduunka uu ansixiyay 55 milyan oo lagu kabayo miisaanadda dowladda federaalka Soomaaliya

Wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsanahay in Bangiga Aduunka uu ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $55 milyan oo ah Caawimaad loogu talagalay kambka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag.

“Lacagtaan Deeqda ah waxa aan ku mutaysanay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee aan ku talaabsanay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay” ayuu yiri wasiirku

Wuxuu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii dakhliga dalka u sii kordhin laheyn iyagoo kaashaneyna Shacabka iyo Ganacsatadeena, ilaa iyo inta aan isku filnaasho ka gaaridoono.

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku guuleysatay dib habeynta dhaqaalaha taasi oo ay ka dhalatay in hay’adda dhaqaalaha aduunka ay Soomaaliya ku amaaneen sida ay u maareysa nidaamka hufnaanta dhaqaalaha dalka iyo heerka ay ka gaartay arrimaha deyn cafinta

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *