Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Beeniyey Xeerar Loo Gudbiyey BFS

Published: June 24, 2020

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa bayaan uu soo saaray ku beeniyey afar xeer oo ku saabsanaa dhamaystirka doorashooyinka Soomaaliya, kuwaas oo 17kii bishaan june la horgeeyey golaha shacabka.

Gudoomiyaha ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta ka been abuurashada afartan xeer, kuwaas oo baalmarsan go’aankii maamul ee guddiga wadajirka lagu magacaabay 28kii Febraayo.

Wuxuu golaha shacabka ugu baaqay in si degdeg ah dib loogu noqdo nuqulkii asalka ahaa ee ay usoo gudbiyeen labada aqal.

Qoraalka Guddoomiyaha ayaa waxa ku jira lifaaqyada warbixintii guddiga wadajirka ee diyaarinta xeerarka doorashooyinka.

Hoos ka akhriso bayaanka:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *