Madaxweyne Laftagareen Oo Xil-Ka-Qaadis Iyo Magacaabis Ku Sameeyey Golihiisa Wasiiradiisa

Published: June 24, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa xilalkii ka qaaday qaar kamid ah golihiisa wasiirada, isla markaana magacaabay kuwo kale.

Wareegto ka baxday xafiiska madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xilalka looga qaaday wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda iyo wasiir kuxigeenka dastuurka koonfur galbeed.

Dhanka kale madaxweyne Laftagareen ayaa magacaabay labo wasiir iyo todoba wasiir xigeeno.

Hoos ka akhriso wareegtada:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *