Madaxweyne Waare Oo La Kulmay Wafdi Ka Socday Dowlad Deegaanka Soomaalida

Published: June 24, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Beledweyne kusoo dhoweeyey wafdi isuga jira heer wasiiro, guddoomiyaha gobolka Shabelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday xafiiska madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar.

Ujeedka Wafdiga ayaa ahaa dadaallada dib u heshiineed ee ka socday magaalada Feer Feer iyo muhiimada ay leedahay iskaashiga ganacsi iyo amni ee labada dowlad Goboleed.

Imaanshaha wafdigan ayaa daba socday kulan maalmahan odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta labada dhinac ee hirshabeelle iyo dowlada deegaanka uga socday magaalada Feer Feer, waxayna isku afgarteen xalinta dagaal beleed ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay ku dagaalameen dad beeraley ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *