Taariikh Nololeedka Gen. Cali Baadiye (AUN)

Published: June 24, 2020

Taliyihii hore ee Ciidamada Daraawiishta Puntland, Gen. Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) ayaa maanta ku geeriyooday magaaada Adis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas uu mudadii dambe ku xanuunsanayey, waxaana geerida marxuumka xaqiijiyey eheladiisa.

Taariikh Nololeed Kooban:

Gen. Cali Baadiye, wuxuu ku dhashay sanadkii 1948 magaalada Gaalkacyo, isla iyada ayuu qur’aanka ka bilaabay kuna dhameeyey, Waxbarashada hoose/dhexe ayuu ku qaatay dugsiga Bardacad 1955 ilaa 1963 wuxuuna kamid ahaa ardaydii ugu horeysay, Wuxuu usoo wareegay Magaalada Muqdisho isagoo halkaas ku dhameeyey dugsiga sare sanadkii 1967.

Intaasi kadib, wuxuu ku biiray ciidamadii xoogga dalka, waxaana waxbarasho loogu diray midowgii soofiyeeti, Waxay isku xili ahaayeen Gen. Moorgan, Kornayl Carab-duur iyo jaamac giriin oo ay halkaas kusoo wada qaateen darajada xidiglaha.

Xilalkiisii Militarigii Soomaaliya:

Wuxuu soo noqday taliyaha guutada Garasyaani ee Buulo-burte sanadkii 1970dii ilaa 1971dii, sidoo kale wuxuu tababare ka ahaa kuliyadii ciidamada, 1972 ilaa 1973dii wuxu taliye ka ahaa qaybta 21aad ee ciidamada xoogga ee fadhiyey Beledweyne, 1973 ilaa 1974 ayaa loo badalay gobolada Waqooyi gaar ahaan qaybta 26aad isagoo xukumayey taangiyada.

Wuxuu soo noqday guddoomiyaha degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag sanadkii 1974 ilaa 1976.

Sidoo kale taliyihii akademiyada Jaalle Siyaad ayuu noqday intii u dhexeysay 1976 ilaa 1977, dagaalkii dhexmaray Soomaliya iyo Itoobiya ayuu ahaa taliyihii ciidamadii loo yaqaana (Soomaliya Abowdo) ee isugu jirey soomaalida iyo Oromada ee ka dagaal galay dhinaca siidaamo.

Wuxuu kamid ahaa 1978dii saraakiishii hogaaminaysay afgambigii dhicisoobay ee Cirro isaga iyo saraakiil ay kamid yihiin Cabdilaahi yuusuf, waxaana markii la qabtay lagu xukumay xabsi daa’in, 11 sanno ayuu dowladii kacaanka u xirnaa, waxaana lasoo daayey 1989kii.

Aas-aaskii Puntland:

Gen. Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye), wuxuu kamid ahaa aas’aasayaashii Puntland, wuxuu soo noqday agaasimaha nabadgalyada ee madaxtooyada dowladii madaxweyne Cadde Muuse, sidoo kalena wuxu ku dhowaad labo sanno ahaa taliyihii ciidamada daraawiishta Puntland.

Cali Baadiye, wuxuu dad dunida kaga tagey labo wiil iyo gabar kuwaas oo hadda caruurtoodu caruur sii dhaleen.

Wuxuuna ku hadli jirey 5 luuqadood oo kala ah Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisiga, Ruushka iyo Talyaaniga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *