Jubbaland Oo Taageertay Bayaankii Hakinta Xeerarka Ee Gudoomiyaha Aqalka Sare

Published: June 25, 2020

War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu taageeray bayaankii gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdilaahi ee hakinta xeerarka doorashooyinka ee uu ka doodayo golaha shacabka kuwaas oo ahaa been abuur.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inaysan aqbali doonin qeybna ka noqon doonin fulinta sharci ama xeer ka soo baxay Golaha Shacabka oo aan ku imaan wadatashi iyo xal siyaasadeed oo ay wada gaaraan dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileyda siyaasadda.

Jubbaland ayaa ugu baaqday Golaha Shacabka inuu hakiyo, ka doodista, akhrinta iyo u codeynta xeerarka ku xusan bayaanka uu soo saaray guddoomiyaha aqalka sare.

Hoos ka akhris war-saxaafadeedka:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *