Madaxweyne Deni Oo Tababar Usoo Xiray Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada PMPF

Published: June 25, 2020

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta safar ku tagey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada badda Puntland ee PMPF.

Ciidamadan oo la tababarayey muddo 5 bilood ah ayaa noqonaya dufcadii 10naad ee ka baxda xerada tababarka ciidamada badda Puntland ee duleedka galbeed ee magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda tababarka loogu soo xirayey ciidamada ayaa u mahadceliyey dowladaha Imaaraadka iyo Maraykanka oo Puntland ka caawiya tababarada ciidamada PSF iyo PMPF.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *