Puntland Oo Sheegtay Inaysan Aqbali Doonin Go’aanada Golaha Shacabka Ee Arrimaha Doorashada

Published: June 25, 2020

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu qaadacay sharciga doorashooyinka ee horyaala golaha shacabka, sidoo kalena walaac looga muujiyey is-afgaradkii lagu gaaray kulankii internet-ka ku dhexmaray 22 bishaan June madaxda dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, kaas oo ku saabsanaa joojinta dooda golaha shacabka ee sharciga doorashada.

Dowlada Puntland ayaa ka digtay in shuruucda dalka lagu salleeyo damac gaar ah iyo rabitaanka Madaxda dalka, iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsaneyn Dastuurka KMG, laguna dhiiranayo been abuur iyo is daba marin sida ku cad Warqada Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Puntland ayaa caddaysay in qaraarada ay gaareen baarlamaanka 10aad ee federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashada iyo qaybsiga khayraadka aynan Puntland qayb ka ahayn kana noqon doonin dhaqan-galintooda.

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay inay ka go’an tahay qaadashada go’aan kasta oo u ogolaanaya Dastuurkeeda isla markaana ku xusnaa go’aanadii ka soo baxay shirkii Wadatashiga Puntland ee ka dhacay Garowe 15-17 bishii Maarso 2020, haddii ay adkaato xal u helist arrimaha siyaasadeed ee murugsan ee wadatashigooda loo balansan yahay, isla markaana ay ka waantoobi waayaan madaxda dowladda Federaalka maroorsiga talada aayaha dalka iyo hareer marida Dastuurka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *