Shil Sababay Dhimashada 3 Ruux Oo Ka Dhacay Inta U Dhaxaysa Qardho Iyo Dangorayo

Published: June 25, 2020

Shil Gaari oo sababay dhimashada seddex ruux ayaa ka dhacay goob qiyaas ahaan u jirta 5KM degmada Dangorayo oo ka tirsan gobolka Nugaal, Kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo kala ahaa Candha-meydle iyo gaari nooca raaxada ama loo yaqaan jeesar.

Gaariga Xamuulka ah ayaa kasoo socday dhanka Garoowe halka gaariga yarina uu ka tagey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, kadib markii uu shilku dhacayna ay sababtay inay wada geeriyoodaan seddexdii qof ee saarnaa gaariga yar.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay markii uu shilku dhacay in gaariga yar laga soo saaray labo qof oo meyd ah halka qofka kale dhawaac ahaan looga soo saarey gaariga balse markii dambe uu isna u geeriyooday dhaawicii shilka ka soo gaaray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *