Wararkii Ugu Dambeeyey COVID19 Ee Soomaaliya

Published: June 25, 2020

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 25 kiis oo cusub oo ah COVID19 24kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 2, 860 kiis.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala joogaan Somaliland 17 qof, Muqdisho 7 qof iyo Koonfur Galbeed 1 qof.

Dhanka kale Dr. Fowsiya ayaa sheegtay inay fayraska ka bogsoodeen 8 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 837.

Bukaannada cusub 19 waa rag. 6-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay majirin dad Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *