Madaxweyne Farmaajo Oo Ubax Dhigay Taallada Daljirka Daahsoon

Published: June 26, 2020

Madaxweyaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo maamuusaya geesiyaashii naftooda u huray xornimadii iyo halgankii gobonnimo doonka soomaaliyeed ayaa maanta ubax dhigay taaladda Daljirka Daahsoon ee maagalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada baambayda oo ku maamuusay heesta calanka iyo astaanta qaranka.

Munaasabadda Ubax-dhigga taaladda daljirka Daahsoon, waxaa ka qaybgalay Gudoonka Gobolka Banaadir, Wasiiro, Taliyayaasha Ciidamada xoogga dalka iyo guddiga heer federaalka iyo heer gobol ee xuska 60-guurada xornimada xornimada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *