Madaxweyne Farmaajo Oo Xariga Ka Jaray Tiyaatarka Qaranka - Horseed Media

Madaxweyne Farmaajo Oo Xariga Ka Jaray Tiyaatarka Qaranka

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xariga ka jaray xaruntii murtida iyo madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Tiyaatarka ayaa lagu dayactiray barnaamijka iskaa-wax-u-qabso kaasoo ay ka wada qaybqaateen shacabka iyo shaqaalaha dowlada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan dadkii ka qaybqaatay dayactirka xaruntan.

Inta lagu guda-jiro maalmaha xoriyada ayaa la filayaa inuu madaxweyne Famaajo xariga ka jaro dhismayaal kale oo muhiim ah sida garoonka kubadda cagta Muqdisho.

Horseed Media