Maxay Ka Hadleen Madaxweynayaasha Puntland Iyo Galmudug ?

Published: June 26, 2020

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa maanta ku kulmay madaxtooyada Puntland ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Labadan masuul oo markii ugu horeysay kulmay ayaa ka wada hadlay iskaashiga amniga, xoojinta nabadda iyo dhaqaalaha, dib-u-heshiisiinta iyo xiriirka labada maamul goboleed.

Kulanka madaxweynayaasha ayaa kusoo beegmaya xili laga dayrinayo amniga magaalada Gaalkacyo oo bishii May/2020 qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay lagu dilay gudoomiyihii gobolka Mudug ee dhanka Puntland, alle ha u naxariiste Axmed Muuse Nuur.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *