Barlamaanka Oo Cod Aqlabiyad ah Ku Ansixiyay Mataalada Gobolka Banaadir

Published: June 27, 2020

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaaliya ayaa cod aqlabiyad ku ansixiyay xeerka matalaada Gobolka Banaadir

Xeerkan oo ogolaanaya in gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka sare ee federaalka waxaa haa ugu codeeyay 142-Xildhibaan, waxaana diiday oo ka hor yimid 4 xildhibaan.

Intii ay socotay dooda ku saabsan matalaada gobolka Banaadir in ka badan 130 xildhibaan ayaa Gudoonka baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ah in Xildhibaanada Aqalka Sare laga siiyo gobolka Banaadir 13 Xildhibaan,

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taageeray in xubno matala uu gobolka Banaadir ku yeesho aqalka sare ee Barlamaanka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *