Ethiopia, Sudan iyo Masar oo Isku Raacay in 14 Maalmood Gudahood lagu Xaliyo Khilaafka Biyo xireenka Nile

Published: June 27, 2020

Wadahalado dhexmaray Hoggaamiyaasha wadamada Masar, Ethiopia iyo Suudaan ayaa isku raacay in iyadoo aan heshiis la gaarin aysan Ibootiya bilaabi doonin buuxinta biyo xireenka ay ka dhistay Webiga Nile

Wadahadaladan oo dhacay Habka muuqaalka waxaa soo qabanqaabiyay Midowga afrika, waxaana guddoominayay Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo aha guddoomiyaha Midowga Afrika ee waqtigan.

Wasiirka Biyaha ee Ethiopia Seleshi Bekele ayaa sheegay in madaxdu isla garteen in Labo toddobaad gudahood heshiis lagaga gaaro khilaafka ka aloosan buuxinta biyo xireenka Nile taasi oo loo saaray guddiyo farsamo oo bilaaban doona howshaas.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in Dowladu sii wadi doonto dhamaystirka qaybta ka dhiman dhismaha biyo xireenka inta ay socdaan wadahadalada u dhexeeya dhinacyada, waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in khilaafka webiga nile iyo biyo xireenka GERD ay tahay arrin u taal midowga afrika, islamarkaana ay tahay in midowga Afrika xaliyaan

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi waxaa uu sheegay in Madaxda isku raaceen in ethiopia ayan bilaabi doonin buuxinta biyo xireenka ilaa iyo inta laga gaarayo heshiis rasmi ah sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Masar.

Dowladda Masar ayaa walaac ka qabta biyo yaraan soo wajahda shacabkeeda oo lagu qiyaaso ilaa 100 Milyan qof kuwasoo ku tiirsan 90% ku tiirsan biyaha webiga Nile haddii ethiopia bilowda inay buuxiso biyo xireenka weyn ee ay ka dhistay meel 15 Km u jirta Xadka ay la wadaagto Suudaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *