Sanyare oo Loo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Published: June 27, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa maanta Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland u magacaabay Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare)

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in baahida loo qaabo dardargelinta maamul ee gobolka Mudug, aqoonta iyo waayo aragnimadiisa shaqo awgeed uu Mudane Sanyare u magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug oo walaalo yihiin guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo Qarax lagu dilay 17 Bishii May magaaladda Galkacayo.

Guddoomiyaha cusub wuxuu sidoo hore u ahaa xildhibaan ka tirsan barlamaanka Federaalka,

https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/posts/944192245994296

Madaxweynaha Puntland iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa hadda ku sugan magaaladda Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *