Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya Matalaada gobolka Banaadir

Published: June 27, 2020

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee barlamaanka Federaalka ayaa maanta dhameeystiri doona xeerka Matalaada gobolka Banaadir oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodaayeen.

Intii ay socotay dooda ku saabsan matalaada gobolka Banaadir in ka badan 130 xildhibaan ayaa Gudoonka baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ah in Xildhibaanada Aqalka Sare laga siiyo gobolka Banaadir 13 Xildhibaan.

Sidokale Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa maanta hortageysa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa lagu waddaa in ay shaaciso xilliga rasmi ah ay dhici doonto doorashadda Soomaaliya, maadaama Xildhibaanada ay ansixiyeen Sharciga doorashooyinka Qaranka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *