Banaanbax Ka Socda Muqdisho

Published: June 28, 2020

Mudaharaad ballaaran oo lagu taageerayo go’aankii uu Golaha Shacabka ugu oggolaaday matalaadda Aqalka sare ee Gobolka Banaair ayaa haatan ka socda Magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxayaasha oo isugu tagay Taallada Daljirka dahsoon ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo halkaasi kusoo bandhigi doona shucuurtooda ku aaddan in ay matalaad siyaasadeed ka helaan Aqalka sare ee Baarlamaanka Dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la filayaa inay goobta ka jeeddiyaan qudbado ku aaddan dedaalladii loo galay matalaadda Aqalka sare ee Bulshada Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Filish” ayaa uga mahad celiyay guddoonka iyo Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka xaqiijinta Mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo madaxweye Farmaajo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *