N & N: Qeybi oo xukun – Metalaada Banaadir & Xil Kororsiga Dadban! Faallo

Published: June 29, 2020

Dowladda Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee la baxday Nabad iyo Nolol ayaa ku guuleysatay in ay abuurto xiisad cusub oo siyaasadeed oo ay gaashaan uga dhiganeyso culeyska ka heysta doorashada soo socota oo ay ku fashilantay in ay soo diyaariso, iyadoo hadal heyntii doorashadii ku bedashay kicin shacab iyo abuurid xiisad bulshada lagu kala qeybiyo oo ay ugu horeyso kala qeybinta awoodaha ay Villa Soomaliya ka baqeyso inay kula loolamaan doorashada Madaxweynaha ee soo socota.

Khiyaanada Metalaada Banaadir iyo jahwareerinta shacabka Muqdisho

Madaxweynaha Soomaliya ayaa golaha Shacabka ka codsaday in la ansixiyo Metalaada Banaadir ee Aqalka Sare, arrintan oo qeyb ka ah abaabulka Nabad iyo Nolol ay dooneyso inay ku gasho olole doorasho. 

Villa Somaliya oo ogsoon kordhinta kuraasta Aqalka Sare inay u baahan tahay in Dastuurka loo furo oo la beddalo tirada kuraasta Aqalka Sare, waxaa taas kasii horeysa in meel la saaro Maqaamka Banaadir (Muqdisho). Maadaama Aqalka Sare uu yahay midka metala Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Maadaama aysan Villa Somaliya xiligan diyaar u ahayn inay Maqaamka Banaadir ka hadasho, ayey la taliyayaasha Madaxweyne Farmaajo go’aansadeen in ay xoogga saaraan [metalaad] kuraas Villa Somaliya soo magacowdo.

Ahmiyada Nabad iyo Nolol ka lahayd arrinta metalaada ayaa ku koobneyd sadex qodob:

1- In beelaha Muqdisho sheeganaya looga helo taageero

2- In la mariyo isla maalintaas Golaha Shacabka dib u dhigista Doorashada iyo Guddigii fashilay ee Xaliimo Yarey.

3- In xiisad laga dhex abuuro Aqalka Sare ee metala Dowlad gobaleedyada si awooda ulla wareego Golaha Shacabka oo uu hogaaminayo Maxamed Mursal oo si toos ah u jabiyey Dastuurka Federaalka kadib markii uu sheegay in Aqalka Sare uusan wax go’aan ah ka gaari karin arrinta Doorashada!

Qaabkee Dastuurka loo Jabiyey?

Aqalka Sare: kordhinta Kuraasta waxay u baahan tahay

  1. Furidda Dastuurka
  2. Dhameystirka Maqaamka Muqdisho iyo gobalada murranka ka taagan yahay sida Sool, Sanaag iyo Buuhoodle (Cayn).
  3. In 2/3 Golaha oo ah 183 xildhibaan ansixiyaan, beddalida qodobka 72aad ee qeexaya tiradda kuraasta Aqalka Sare oo ah 54 kursi.

Dastuurka Soomaaliya waxaa la ansixiyey 1 August 2012, qodobka 132 waxa uu ka hadlayaa wadada loo mari karo wax ka beddelka dastuurka, taas oo qaadanaysa  marxalado gaaraya saddex bilood, waxaa hoos ku lifaaqan sida dasuurka wax looga beddeli karo.

Maxaa dhacay? : 

  • Dastuurkii mala furay?  Waa Maya     
  • Maqaamkii Banaadir ma lagu heshiiyey?  Waa Maya
  • 183 xildhibaan ma bedaleen qodobka Dastuurka? Waa Maya –

142 xildhibaan baa gacan u taagay in 13 kursi lagu daro Aqalka Sare. Arrintan oo ay kasoo horjeesteen xildhibaano gaaraya 72 oo sheegay in Dastuurkii la jabiyey, kuwaasi oo intooda badan ka maqnaa Kalfadhiga.

Arrintan waxaa garab socday olole ay wadeen xildhibaano iyo siyaasiyiin Villa Somaliya ku xiran oo xulafo la sameystay qaar kamid ah xildhibaanadii Mucaaridka ahaa oo lagu qanciyey in ay taageeraan qorshahan xiisada dhaliyey, waana bilowgii Nabad iyo Nolol ay ku bedashay doodii Doorashada dib loo dhigay, diiradana la saaray in shacabka Muqdisho looga dhigo in xildhibaanada Puntland iyo Jubbaland kasoo horjeedaan Metalaada Muqdisho ee Aqalka Sare.

Villa Somaliya hadda waa ay ku guuleysatay in siyaasiyiin iyo xildhibaano mucaaridka ah ay ka horkeento xulafadii ay ku lahaayeen dowlad gobaleedyada gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo loo tusay qabiil ahaan!

Xeeladdan ayaa xiisad badan abuurtay oo fal celinta ka imaan karta ay tahay mid bohol dheer ku rida mustaqbalka Midnimadii Dalka iyo waliba dib u heshiisiinta aan cagaha badan ku taagneyn ee wakhtiga dheer qaadatay ee lagu soo dhisay Dastuurka uu hada laalay Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca Puntland oo iyaguna tirsanaya in hadii Aqalka Sare wax laga bedalayo marka hore la furo Dastuurka si looga hadlo kuraasta ka maqan gobalada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo gaareysa 3 kursi, ayaa ku khasbanaatay inay gebi ahaan diido go’aankii golaha Shacabka ee 142 xildhibaan ee aan buuxin awooda Dastuurka lagu bedali karo oo ah 183.

Hadaba xiisadan Nabad iyo Nolol ay ku qeybisay awoodihii kasoo horjeeday ayaa ah mid ay siyaasiyiinta Villa Somaliya ku xiran  si xooggan oo ay ku laran tahay caadifad qabiil u wadaan weli si la isaga horkeeno shacabka Muqdisho iyo shucuubta Puntland & Jubbaland, farsamooyinkan oo horey uga soo shaqeeyey Galmudug iyo K/Galbeed ayaan la ogeyn in Farmaajo ku dhaxli doono xukunka 4ta sano ee soo socota ama uu dhaxal xun uga tegi doono ummada Soomaaliyeed!

by Hussein Farah

Political Editor

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *