Nus Milyan Qof Oo u Dhintay Cudurka Covid-19

Published: June 29, 2020

Tirada guud ee dadka u dhintay cudurka Covid-19 ayaa kor u dhaaftay Nus Milyan qof guud ahaan caalamka.

Jaamacada Hopkin university ee dalka Maraykanka oo diiwaangalisa kiisaska Covid-19 waxa ay sheegtay in dadka uu soo rigay cudurku ay kor u dhaafayaan 10 Milyan qof.

Maraykana ayaa weli ah dalka ay ku dhinteen tirada ugu badan Caalamka guud ahaan, waxaana u dhintay dad ka badan Boqol iyo shan labaatan kun oo qof. Dalka Brazil ayaa kaalinta labaad ku jiro oo tirada dadka u dhintay cudurku ay ku dhow yihiin lixdan kun oo qof.

Akhriso 10 Wadan ee Tirada dadka ugu badan ay u dhinteen Cudurka Coronavirus.

  • United States: 125,803
  • Brazil: 57,622
  • United Kingdom: 43,634
  • Italy: 34,738
  • France: 29,781
  • Spain: 28,343
  • Mexico: 26,648
  • India: 16,475
  • Iran: 10,508
  • Belgium: 9,732

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *