Soomaaliya Oo Loo Doortay Gudoomiye Ku Xigeenka Guud ee Qaramada Midoobay

Published: June 29, 2020

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka guud ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay muda xilleedka 75-aad ee 2020/2021.

Abuukar Baalle oo muddo sanad ah hayn doona xilkan ayey isaga iyo gudoomiyaha cusub ee UN-ka Volker Bozkir oo u dhashay dalka Turkiga ka shaqayn doonaan isku duba-ridka howlaha Qaramada Midoobay, diyaarinta ajandaha golaha guud, xallinta caqabadaha iyo walaaca la gudbooonaada dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Tallaabadan ayaa muujineysa doorka fir fircoon oo ay Soomaaliya ka gaartay arrimaha siyaasadda caalamiga ah, waana markii ugu horeysay oo muddo 33 sanadood ah ay Soomaaliya ku guuleysato xilkaas.

Waxaa xilkan hore usoo qabtay safiiradii Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee kala ahaa:

  • Dr Xassan Nuur Cilmi (1963-64)
  • C/risaaq Xaaji Xuseen Axmed M. Aadan Qaybe (1979-1980)
  • Danjire C/llaahi S. Osman (1986-87)

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *