Xaliimo Yarey oo Ka Jawaabtay Eedayn Loo Soo Jeediyay Guddiga Doorashada

Published: June 29, 2020

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in Guddigooda uusan wax eed ah laheyn, islamarkaana ay horey u shaaciyeen inay maqan yihiin waxyaabihii lagu qaban lahaa doorashada.

Xaliimo yareey oo ka jawaabaysay eedeyn uga timid xisbiyada qaar ayaa intaa ku dartay in Guddigu uusan laheyn wax dambi ah oo la xariira shaqada loo igmaday islamarkaana ay isku casili karto.

“Annaga waxan is casileynaa hadii aan dambiile noqono oo shaqadii naloo diray aan qaban weyno,Feberaayo 2017 ayaan sheegnay in ay ka maqan yihiin waxyaabihii doorashada lagu qaban lahaa welina ma helin laakin in Guddiga la iska eedeeyo ma ahan ayay tiri” Guddoomiye Xaliimo Yarey.

Xaliimo Yarey ayaa ugu dambayn soo jeedisay in laga wada shaqeeyo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii loo heli lahaa waxyaabaha aas-aasiga u ah horshan.

Qaar ka mid ah ururada siyaasadeed ee ka jira magaaladda Muqdisho ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada inay ku fashilmeen howlihii loo xilsaaray ee qabashada doorashada, waxay u soo jeediyeen inay iscasilaan dhammaantood.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *