Raisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Raisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar Oo Kulmay

Published: June 30, 2020

Raisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Doxa ee caasimada dalka Qatar kula kulmay raisul wasaare ku-xigeenka Qatar ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Sheikh Mohammed bin Abdulrahman.

Labada raisul wasaare ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar, sida uu boggiisa Twitter-ka ku daabacay raisul wasaare khayre.

Ilaa iyo jimcihii markii uu raisul wasaare khayre u dhoofay dalka Qatar ma jirin wax war oo laga helay safarkiisa, mana jirin wararkii looga bartay xafiiskiisa Warfaafinta ee soo gudbin jirey safaradiisa dibadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *