Raysalwasaarihii hore Faransiiska oo 5 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Published: June 30, 2020

Raysel wasaarihii hore ee Faransiiska ahaana musharrax tartankii Madaxweynaha Mr François Fillon ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah kadib markii uu ku xadgudbey awoodda si khaldana u isticmaaley hantida dowladda, sidoo kale uu shaqaleysiiyay xaaskiisa iyo caruurtiisa oo ka dhigay kaaliyeyaal.

Xaaska Raysalwasaarihii hore Penelope Fillon waxaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah iyo ganaax kadib markii uu ninkeedu gacan ka geystey musuq maasuq iyo haynta hantida dadweynaha.

Eedeymaha ah in Fillon uu afadiisa ku shaqaaleysiiyay shaqo baarlamaaneed oo mushahar fiican leh, waxaa la daabacay fadeexadaas ka hor doorashadii 2017 waxaana la rumeysan yahay inay sababtey guuldaradii hore ee Fillon iyo guushii Emmanuel Macron.

Wadar ahaan, Penelope Fillon ayaa lagu qiyaasey musharka shaqadii uu uu ninkeedu u fududeeyey in ay heshay qiyaastii € 500,000 waqtigii ay ninkeeda u ahayd kaaliyaha.

François Fillon wuxuu si joogto ah u beenin jirey denbiga lagu eedeeyey wuxuuna u arkaa olole mustaqbalkiisa siyaasadeed wax loogu dhimaayo.

Xaaska Fillon sidoo kale lagu ganaaxay € 375,000 oo ganaax ah.

François Fillon waxa uu ahaa raysalwasaaraha Faransiiska 2007 ilaa 2012, sidoo kale waxa uu kamid ahaa Misharax si weyn loo sadaalinaayey in uu guul u soo hoyi karo xisbiga Jamhuuriga taas oo fashil ku dhamaatey.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *