Xaliimo Yareey Wixii Ay Ballan Qaadey Haddii Ay Ku Fashilantey Ma Is-Casileysaa? -VIDEO

Published: June 30, 2020

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ibraahim (Yareey) oo la magacaabey sanadkii 2015, ayaa muddo badan ku cel-celisey in dalka laga qaban karo doorasho qof iyo cod ah, waxay sheegtey in aysan banooni ciyaareyn mudadii la magacaabey ee ay diyaarinayeen doorashada, maanta haddii la yiraahdona ha la qabto ay qaban karto.

Xaliimo ayaa goobaha doorashadu ka dhacayso horey u sheegtey in ay Dayax gacmeed ku eegeen oo arkeen meelaha dadku kala degan yahay, doorashadana dadka ka qayb qaadan kara Soomaaliya ayey ku sheegtay in ay gaarayaan 3 milyan sidaas darteed ay diiwaan gelin karaan ilaa laba Milyan qalabkiina diyaar yahay.

Laakiin Xaliimo Yarey waxay xagal 180 Digree ah wareegtey oo la soo baxdey wejiga runta ah ee la doonaayey in doorashada dib loogu dhigo wakhtigeeda 27 Juun 2020 ee ay hortagtey Baarlamaanka.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqey Guddoomiye Xaliima Ismaaciil ibraahim in ay is casisho, mar haddii ay ku fashilantey wixii ay ballan qaadey, isla markaana been ka sheegtey ballanqaadkeedi hore ee ahaa in ay doorashada qaban karto.

Muuqaalka hoose ayaa si dhab ah u fasiraya Xaliimo yareey iyo kooxdeeda 2019 ilaa 2020.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment