Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Mataalada Gobolka Banaadir

Published: July 1, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad kooban oo lagu qabtay madaxtooyada Kismaayo taas oo lagu xusayey 1da Luulyo ayuu ka hadlay arrimo badan oo ay kamid tahay mataalada gobolka Banaadir.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu gobolka Banaadir mudan yahay inuu matalaad ku yeesho aqalka sare, loona sameeyo gole deegaan oo soo doorta madaxda gobolka iyo degmooyinka lagana gudbo nidaamka magacaabista.

Wuxuu intaasi raaciyey inay jiraan dad doonaya inay dadka iska horkeenaan oo yiraahdaan Muqdisho waxaa leh qolo ama reer gaar ah.

“Reer Muqdisho marka la yiraahdo aniga kow ah ma ahi labo, cidda sheeganaysa aniga kow ka ah, waxaan u baahan nahay inaan helo matalaada ay leedahay” ayuu yiri: Madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaq madaxweyne Farmaajo iyo raisul wasaare Khayre inay sharciga ilaaliyaan oo ay doorashada ku qabtaan waqtigeeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *