Guddiga Madaxa-banaan Ee Doorashooyinka Oo Xisbiyo Cusub Diiwaangeliyey

Published: July 1, 2020

Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta Shahaadooyinka KMG ah ee diiwaangalinta siiyay 8 xisbi oo ku biiraya xisbiyadii uu Guddigu horey u diwaangaliyay.

Xisbiyada maanta la diiwaangeliyey ayaa shahaadooyinka lagu siiyey qaab online ah iyadoo oo la adeegsanayo aaladda ZOOM- ka, waxaana kulanka goobjoog ka ahayd Xaliimo Yareey, Guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Soomaaliya.

Magacyada Xisbiyada la diiwaangeliyey:

– Xisbiga Bulshada Dimoqaardiga Soomaaliyeed.
– Xisbiga Nolosha iyo Cadaaladda.
– Xisbiga Walaalaha Midoobay.
– Xisbiga Tubta Horumarka iyo Nabadda.
– Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka.
– Xisbiga Soomalinimo.
– Xisbiga Cadaaladda Horumarinta Dimoqaraadiyadda iyo Isqadarinta iyo Xisbiga Badbaado Qaran.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa maalmahan canbaarayn kala kulmayey siyaasiyiinta muraacadka ah kuwaas oo sheegay inuu guddigu ku guuldaraystay nidaamka doorasho ee qof iyo cod dhanka kalena waxay walwal ka muujiyeen inay doorashadu waqtigeeda ku dhici weydo, isla markaana xukuumada Farmaajo ay muddo kororsi samayso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *