Madaxweyne Farmaajo Ayaa Xariga Ka Jaray Matxafka Qaranka Oo Dayactir Lagu Sameeyey

Published: July 1, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xariga ka jaray Matxafka Qaranka oo lagu sameeyey dib u dayactir ballaaran.

Munaasabadda xarig jarka waxaa kasoo qaybgalay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka banaadir iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey dhallinyaradii isu xilqaamay dib u dhisida Madxafka, ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in dib loo dhiso xarumaha danta guud, bilicda iyo kaabeyaasha nolasha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Intii lagu guda jirey maalmaha xoriyadda wuxuu xariga ka jaray goobo muhiim ah oo kamid yihiin Tiyaatarka Qaranka, garoonka Muqdisho iyo xarumo kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *