Qatar Oo Soomaaliya Ugu Hambalyeysay Sanad-guuradda 60aad Ee Xoriyada

Published: July 1, 2020

Amiirka dalka Qatar Shiikh Tamiim Bin Xaamid ayaa hambalyo ku saabsan xuska maalinta xoriyadda Soomaaliyeed usoo diray madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay shaacisay warbaahinta dowlada.

Amiir Tamiim ayaa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey barwaaqo iyo nabad inay ku gaaraan sanadka dambe.

Sidoo kale Raisul wasaaraha Qatar Shiikh Khaalid Bin Khaliifa ayaa dhigiisa Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan dalka Qatar la wadaagay hambalyo ku saabsan sanadguurada 60aad ee ka soo wareegtay xornimada iyo midowgii gobolada waqooyi iyo koonfureed.

Qatar iyo xukuumada hadda talada haysa ee Soomaaliya ayaa leh xiriir siyaasadeed oo xoogan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *