Madaxweyne Muuse oo Sheegay Inay Somaliland ka Furanayso Taiwan Xafiis

Published: July 2, 2020

Madaxwynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay Somaliland dhakhso uga furanayso Wadanka Taiwan Xafiis Wakiil.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somalilan iyo Taiwan uu ku salleysan yahay qiyam wadaag iyo is xushmeyn.

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray in dhawaan wefigii ka socday Somaliland si milgo leh loogu soo dhaweeyey dalka Taiwan.


Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ballanqaaday inay Somaliland si dhakhso ah Xafiiskeedii uga furan doonto magaaladda Taipei ee Caasimadda Taiwan.

Dhinaca kale, Safaarada Shiinaha ee Somaliya oo ka hadashay xiriirka dimlamaasiyeed ee dhexmaray Somaliland iyo twain ayaa sheegtay in Twain ay tahay gobol k amid ah dhul weynaha shiinaha, islamarkaana ayan ogolaanayn in koox ama uru siyaasadeed uu qayb ka mid ah dhulka shiinaha gooyo

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *