MEXICO: Weerar lagu dilay 24 qof

Published: July 2, 2020

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen xarun lagu hayo dadka laga daaweeyo isticmaalka daroogada, weerarkan oo noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa sanadkan.

Arbacadii shalay ayey  kooxo hubeysan weerar ku qaadeen xarun ku taal magaalada Irapuato ee Dowlad gobaleedka [Guanajuato state], wuxuuna weerarkan noqonayaa kii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo intuu xilka qabtay Madaxweynaha talada haya Lopez Obrador oo xilka la wareegay bishii December 2019.

Dowlada Federaalka Mexico ayaa xaqiijisay tirada dhimashada iyadoo sidoo kale sheegtay in 7 qof oo kale lagu dhaawacay weerarkan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *