Abiy Oo Sheegay Inay Ka Hortageen Shirqool Lala Doonayey Itoobiya

Published: July 3, 2020
Raisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed

Raisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlay rabashadihii ka socday dalkiisa ayaa sheegay inay ku guulaysteen fashilinta shirqoolo la doonayey in lagu abuuro dagaallo sokeeyo.

Abiy ayaa hadalkan ka yiri kulan uu la qaatay saraakiisha sarsare ee rayidka iyo ciidamada Itoobiya, sida uu baahiyey tv-ga dowlada ee ETV.

Sidoo kale telefishankan ayaa wariyey in “87 qof, oo ay ku jiraan afar sarkaal oo boolis, ay naftooda ku waayeen rabshadaha” sida laga soo xigtay taliyaha booliska gobolka Oromada.

Rabashadaha Itoobiya oo bilowday maalintii talaadada ayaa waxaa sababay dhimashada fanaan si weyn ugu dhaqdhaqaaqi jirey qowmiyadda Oromada, Hachalu Hundessa.

Dhanka kale, Golaha Warbaahinta ee Itoobiya ayaa maanta soo saaray digniin ka dhan ah warbaahinta mucaaradka, iyagoo ku eedeeyay inay kicinayaan rabshado qowmiyadeed.

Agaasimaha guddiga Getachew Denku ayaa ugu baaqay xarumaha ay mucaaradka maamulaan ee Tigray Media House, Oromo Media Network, iyo Demtseweyane “inay joojiyaan kicinta rabshadaha qowmiyadeed oo aysan dalka khalkhal gelin.” Xarumahan ayaa loo diray warqad loogu digayo in la xiri doono.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *