Maamulka Gobolka Banaadir Oo Xaflad U Qabtay Xildhibaanada Ansixiyey Matalaadooda

Published: July 3, 2020

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xaflad mahadcelin ah Tiyaatarka Qaranka ugu sameeyey xildhibaanadii labada aqal ee ansixiyey matalaada gobolka Banaadir.

Munaasabadda oo si heer sare loosoo diyaariyey ayaa waxa kasoo qaybgalay Raisul wasaare ku-xigeenka dalka, xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, guddomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo masuuliyiin kale.

“Waxaan uga mahadcelineynaa sida sharafta leh ay u ansixiyeen in bulshada Gobolka Banaadir ay helaan xubo ku matalo golaha aqalka sare ,waxaana bulsho weynta caasimada aan leeyahay guusha waa soo dhawaatay dowladdiina ayaa idin garab taagan”Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish.

Ilaa iyo markii ay golaha shacabku ansixiyeen matalaada gobolka Banaadir waxa soo baxaysey qaylo-dhaan ka imanaysa maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah taasoo ku aadanayd inaan si saxa loo qaybin xubnaha matalaya gobolka Banaadir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *