Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Norway oo Khadka Telefoonka ku Wadahadlay

Published: July 3, 2020

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg.

Ugu horayn Ra’iisul Wasaaruha Norway oo telfoonka kula soo xiriirtay madaxweynaha JFS waxay ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay 60-guurada ka soo wareegtay xornimada iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo Waxa uu uga mahadceliyey Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso xoojinta hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS iyo ra’iisul wasaaraha Norway ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha ku saabsan doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya.

Waa mas’uulkii labaad oo telfoonka kula soo hadlay Madaxweynaha JFS uguna hambalyeeya xuska 60-guurada xorriyadda Soomaaliya muddo ka yer 24 gydahooda,horey waxaa ula soo xiriiray ra’iisul wasaaraha Dalka Talyaaniga oo salaana uga siday madaxweynaha wadankaasi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *