Diidmada Puntland ee Doorashooyinka Qaran iyo Muddo Kordhinta Dawladda Federaalka.

Puntland oo is bahaysi la ah Jubaland, waxay si aan caddayn uga soo horjeedaan doorashada qof iyo codka ah ee la doonayo in dalka laga qabto. Marka dhinac laga eego waxaa adag inaad fahamto sababta ay Puntland u doonayso in doorasho u dhacdo haddana aysan ula shaqaynayn guddiga doorashada oo ay xataa xafiiskoodii Garoowe xirtay taas oo muujinaysa in aysan Puntland diyaar u ahayn in ay qayb ka noqoto doorasho dadweyne oo dalka ka dhacda.

Waxaa kale oo is weydiin mudan, waxa Puntland u caddayn la’dahay mowqifkeeda ku aadan doorashada iyo nooca doorasho ay doonayso dalka in ay ka dhacdo. Haddii aysan Puntland doorasho diyaar u ahayn, maxay dhanka kale uga soo horjeedaa in wakhtiga loo kordhiyo Dawladda Dhexe ee Muqdisho. Halkaa marka ay taagan tahay soo lama oran karo Puntland dadkeeda uma aysan caddayn waxa ay doonayso, adduunyada kalena waa ku adkaatay in ay fahamto jihada iyo halka ay u socoto Puntland.
Marka aan dib u eegno taariikhda geedi socodka doorashooyinka, sanadkii 2012ka xilligii Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed, waxaa soo xulay ama soo doortay xubnaha Baarlamaanka ku metelayey beel walba oday dhaqameedyada oo tiro ahaan ka koobnaa 135 oday. Doorashadii ugu dambaysey ee dhacday 2017kii, waxaa xildhibaanada Baarlamaanka ay ku soo baxeen doorasho dadban, iyadoo midkiiba ay soo doorteen 51 xubnood oo reerkiisa ah. Waxana la qorsheenayey in doorashadan soo socota laga gudbo nidaamka doorashada dadban oo loo gudbo doorasho toos ah oo dadweynuhu codeeyaan.

Haddaba doorashooyinkaa la soo dhaafay oo dhan, Punltand waxay u ahayd hormuud, waxayna qayb weyn ka ahayd nidaamka doorasho ee xilli kasta dhacayey, iyaga oo mararka qaar madaxda Dawladda Federaaka ah iyo Maamul Goboleedyada isugu yeedhi jirtay kuna marti qaadi jirtay magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo, shirarkaa oo lagu jaan goyn jiray nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Doorashada la rejaynayo in ay dalka ka qabsoonto xilliyada soo socda si ka duwan kuwii hore, waxaa maamulkeeda iyo diyaarinteeda gacanta ku haya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo labada aqal ee Baarlamaanka oo metelaya Maamul Goboleedyada oo xeerarka doorashada ansxiyey, taasina waxay xadidaysaa kaalintii awoodda badnayd ee ay Maamul Goboleedyadu ku lahaayeen ama ku saamayn jireen doorashada iyo qabsoomiddeeda.
Puntland iyada oo malaha doonaysa in ay gacan muuqata ku yeelato ka talinta nidaamka doorasho ee dalku uu gelayo, waxay marar badan sheegtay in aanay metelin xubnaha labada aqal ugu jira ee dhulkeeda laga soo doortay, taas oo aan Maamul Goboleedyada kale la qabin.

Sida uu daaha ka qaaday xildhibaan ka tirsan aqalka hoose ee Baarlaamaanka deegaan ahaanna ka soo jeeda Puntland oo ay weliba Madaxweyne Deni isku deegaan yihiin; “Puntland khilaafka kala dhexeeya Dawladda Dhexe ma aha mid cad, waana mid ku kooban afka baarkiisa oo aan weligeed na loo soo bandhigin aniga iyo xildhibaanada kale ee labada aqal ku matala Puntland”. Halkaa waxaan ka fahmeennaa in dadweynaha reer Puntland xataa aysan ogayn waxa ay Puntland diidan tahay. Xlidhibaanku wuxuu intaa sii raaciyey in doorasho dadban lagu soo doortay uuna si buuxda uu asaga iyo xildhibaanada kaleba ay u matalaan Puntland inta uu muddo xiloodkoodu ka dhamaanayo. 

Puntland way diiddaa wax kasta oo ka yimaada dhinaca Federaalka, tusaale ahaan Puntland hore waxay u diiday sharcigii betroolka, waxay diiday hannaankii deen cafinta iyo wada hadalladii Somaliland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Jabbuuti ka dhacay. 

Maamulka Puntland wuxuu ku guuldarraystay in ay waxa ay tabanayaan, haddii ayba jiraan, ay u soo bandhigaan Dawladda Federaalka ah iyo Beesha Caalamka ama xataa ugu yaraan Maamulka ay is garabsadaan ee Jubbaland oo aan warba ka hayn waxa Puntland tabanayso. Dhanka Jubbaland, waxa ay Dawladda Dhexe isku hayaan waa laga dheregsan yahay, maadaama Madaxweyne Axmed Madoobe doonayo in loo aqoonsado Madaxweynaha Jubbaland ee sharciga ah. Marki dhankaa laga dhugto, waxaa la oran karaa khilaafka Jubbaland iyo Federaalku waa mid aan caad saarnayn oo laga garnaqsan karo. 
Waxaa se su’aal mudan sida aad ula garnaqsanayso dhinac aadan garanayn wax aad isku haysaan.

Waxaa la oran karaa madaxda Maamulka Puntland hadda hoggaamisa, waxaa la gudboon in ay dib ugu noqdaan dastuurka, oo ay kala saaraan shaqadda Maamul Goboleedyada iyo tan Dawladda Dhexe; yaa xaq u leh diyaarinta iyo qaabaynta doorashooyinka? Yaa xaq u leh la macaamilka Dawladaha Caalamka ? yaa geli kara heshiiyo caalami ah? Yaa xil ka saaran yahay difaacista dalka iyo ilaalinta xuduudaha waddanka?

Weydiimahaa ka dib waxa Puntland laga rabaa in ay si miyir qabta ula xaajooto Dawladda Dhexe oo ay ka fogaato dudmada ay caadaysatay iyo go’aamada aan laga fiirsan ee dharaar iyo habeenba laga soo halgaado Madaxtooyada Puntland.

Puntland waxaa la gudboon in ay ka qayb gasho oo ay aqbasho shirka wada-tashiga qaran ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ee ka dhici doona maalmaha soo socdo magaaladda Muqdisho. Waxa kale oo muhiim ah in Puntlaan ay madashaa ku soo bandhigto waxa ay ka tabanayso Dawladda Dhexe iyo humaaga uga jira doorashada qaran ee soo wajahan.

Haddii Puntlaan qaadacdo shirkaa sida haddaba muuqata, oo Maamullada kalena ay ka qayb galaan, waxaa hoos u dhici doonna doorka iyo maqaamka aan haddaba cago ku taagnayn ee Puntlaand. Waxaan maqaalkayga ku soo gunaanadayaa ereyada ugu dambeeya ee hees ay ku luqayn jirtay fanaanadda Khadra Daahir Cige oo ahayd “Ka joog,war hooy ka joog, wax baa jira ee ka joog”.

W/Q: W/Q: Nasrudin Mohamed Ahmed