Puntland: 16,500 Arday Ayaa Maanta U Fariistay Imtixaanka Shahaadiga

Published: July 4, 2020

16,500 arday oo ka tirsan fasalada 4-aad iyo 8aad ee dugsiyada dhexe iyo sare ee deegaanada Puntland ayaa saakay u fariistay imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2019/2020.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa daahfuray imtixaanka shahaadiga ee deegaanada Puntland oo dhowr jeer oo hore uu hakad galiyey cudurka Covid19, waxayna hadda wasaaraddu ardayda u qaybisay qalabka lagu xirto afka iyo gamcaha.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa Faa’iso Axmed Khaalid oo kamid ah ardeyda dugsiyada sare ee Puntland, imtixaanka shahaadiga ah ugu geysay gurigeeda magaalada Garoowe, maadaama ay tahay hooyo dhawaan umushay.

Arday u fariisan lahaa imtixaanka shahaadiga ayaa laga helay covid19, wuxuuna wasaaradda kusoo wargeliyey asbuuc kahor, wasaaradda ayaana balanqaaday in gurigiisa loogu geyn doono imtixaanka marka uu ka caafimaado xanuunka.

Puntland ayaa weli imtixaankeedu yahay mid ka madax bannaan dowladda federalka, taasoo sanadkii hore keentay in wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay diido in shahaado la siiyo ardayda Puntland, inkasoo markii dambe la xalliyay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *