Qaraxyo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Baydhabo

Published: July 4, 2020

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Maqaayada laga cunteeyo oo ku taal duleedka magaaladaasi.

Inta la ogyahay 5 qof  ayaa geeriyootay 7  kalena waa dhaacay,qaraxaasi oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Hareeri-kaadiyow oo qayaasa ahaantii 3 KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaaladaasi Baydhabo

Labo kamid ah dadka dhintay ayaa ahaa 9 qof oo dhaawacyadooda  isbitalka guud ee magaalada Baydhabo  la geeyay,halka 3 kamid ahna lagu soo waramayo in isla goobta maqaayadda qaraxa uu ka dhacay ay ku geeriyoodeen.

Qarax oo ayaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay goob Maqaaxi ah,iyadoo dadkii ku waxyeeloobay oo shacab ahaa la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu dabiibayo.

Ciidamada ammaanka ayaa halkaasi ka wada howlgallo baaritano ah oo amaanka lagu sugayo,iyadoo la aaminsanyahay in falalka noocaan ah ay geystaan maleeshiyada Al-shabaab.

Dhinac kale, gaarigan laga soo buuxiyay walxaxa qarxa ayaa saaka ka dhacay  iridka hore ee xarunta laanta canshuuraha oo ku taala degmada Xamar-Jajab gaar agaanka soo horjeedka dekedda Muqdisho.

Weli khasaaraha si rasmi ah looma xaqiijin karo,balse wariyeyaasheena oo goobta tagay ayaa soo sheegaya in khasaare dhaawac ah uu jiro, laamaha ammaankuna aan weli u soo bandhigin warbaahinta.

Hay’adaha ammaanka ayaa ku howlan baaritaanka nuuca uu ahaa gaariga qarxay iyo sida falka uu u dhacay, amaanka ayaa aad loo adkeeyay.

Afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayàa si kooban u sharaxay sida ay wax u dheceen.

“Xarunta Laanta Ilaalada Canshuurta ayuu qaraxa ka dhacay, Koontaroolka Kowaad ayuu dhaafay, midka labaad markii la joojiyay ayuu qarxay, hadda waxaa la dalbay ciidamada baara haraadiga walxaha qarxa dhaawacyo ayaa goobta laga qaaday wixii kale ee macluumaad ah waan sii wadaageynaa”.ayuu yiri (Oranjo)

“Target-ka Gaariga Qarxay wuxuu ahaa Xarunta Ilaalada Canshuuraha, xoog ayuu ku dhaafay Koontaroolka Kowaad, rasaas ayaa lagu furay, wuuna qarxay, dhaawacyo ayaa jira, illaa hadda dhimasho lama soo sheegin”. Ayuu intaasi ku daray Afhayeenka wasaaradda Ismaaciil Oranjo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *