Alshabaab Oo Sheegtay Dilka Xildhibaan Ka Tirsan Hirshabeelle

Published: July 5, 2020
Xil. Maxamed Maxamuud Siyaad (AUN)

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay inay dileen Xildhibaan Xaaji Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa baarlamaanka Hirshabelle kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxdaasi ay saaka kala dageen gaari uu saarnaa oo kusii jeeday magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay warbaahinta taageerta Alshabaab.

Gaariga uu la socday xildhibaanka oo noociisu ahaa Noah ayaa saaka ka tagey magaalada Jowhar, waxaana isagoo maraya inta u dhaxay Balcad iyo Jowhar weerar gaadmo ah ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, dablayda ayaana markii ay la dageen xildhibaanka waxay fasaxeen dhamaan dadkii kale ee saarnaa gaarigaas.

Wadada xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa weeraro noocaan oo kale horey uga geysteen Kooxda Alshabaab, waxaana ku dhintay masuuliyiin isugu jira Siyaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *