Raisul Wasaare Khayre Oo Dalka Kusoo Laabtay

Published: July 5, 2020

Raisul wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu kamid ahaa Guddoomiyaha Bangiga dhexe ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka iyagoo kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Aadan Cade kusoo dhaweeyay Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Khayre oo ku dhowaad labo asbuuc ku maqnaa dalka Qatar ayaa intii uu ku sugnaa waxaa uu kulamo la qaatay masuuliyiinta dalkaas sida Raisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *