Madaxweynaha Brazil oo Laga Helay Covid-19

Published: July 7, 2020

Madaxweynaha wadanka Brazil Jair Bolsonaro ayaa laga helay cudurka Covid-19 ka dib markii baaritaan lagu sameeyay Isniinta Shalay.

Mudane Bolsanaro oo lagu yiqiin hoggaamiyo aad hoos ugu dhigo khatarta cudurka ayaa lagu arkay calaamadaha cudurka Coronavirus isagoo Xaraarada jirkiisu ay kor u kacday iyo qufac qalalan lagu arkay,

Madaxweynaha ayaa hore u diiday inuu xirto Marada afka lagu xirto, waxaa kaloo uu ku booriyay guddoomiyayaasha gobolada inay furaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

Wadanka Brazil ayaa ah dalka dalka labaad ee tirada dadka ugu badan ay dhinteen cudurka Covid-19, ilaa 65 kun oo qof ayaa naftooda ku waayay, waxaana cudurka uu ku dhacay dadka ka badan Malyuun iyo lix boqol oo kun oo qof

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *