Madaxweyne Deni: Guddoomiye Mursal Kama Filanayn Inuu Dastuurka Baal-maro

Published: July 7, 2020

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbadiisa Isniinta, waxaa uu kaga hadlay arrimo badan oo kamid tahay khilaafka aqalka sare iyo golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo duray guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal ayaa sheegay inay nasiib darro weyn tahay inuu dastuurkii jabiyo hogaankii golaha shacabka.


” Waxaa runtii yaab leh in gudoonka golaha shacabka uu si cad u yiraahdo shaqada ku saabsan arrimaha doorashooyinka aqalka sare waxba kuma leh, waxaan ka xumahay inuu guddoomiye mursal oo saaxiibkay ah oo muddo dheer aan is-naqaanay fahamka noocaas ah inay maskaxdiisa ku jirto iyo inuu dan kale leeyahay garan maayo” ayuu yiri:- Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Saciid Deni oo ka hadlay shirka khamiista dhuusamareeb uga furmaya madaxda dowlad goboleedyada ayaa sheegay in looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, arrimaha doorashooyinka iyo sidii dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu dalka uga wada-arrimin lahaayeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *