Madaxweyne Qoor-qoor Oo Ku Noqday Dhuusamareeb

Published: July 7, 2020

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo in ka badan bil safar ku marayey gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Ujeedka safarada madaxweyne Qoor-qoor ayaa lagu sheegay nabadayn, wadatashi iyo qiimeyn ku saabsan xaaladaha ay ku suganyihiin bulshada Galmudug.

9ka bishan luulyo ayaa lagu wadaa in magaalada dhuusamareeb uu ka furmo shirka madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, waxaana si weyn loo adkeeyey amaanka magaalada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *