Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Daahfuray Mashruuca Biyo Xireenka Fatahaada Beledweyne

Published: July 8, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa maanta halkaas ka daahfuray mashruuca biyo xireenka Beledweyne.

Mashruucan oo ah mid looga hortagayo fatahaadaha soo noqnoqday ee magaalada Beledweyne ayaa ka kooban seddax qeybood oo ay kamid tahay in wax laga qabto 60- goobood oo uu wabiga shabeelle ka sameeyo fatahaaddaha.

Dowladda Hirshabeelle ayaa waxaa mashruucan ka caawin doona hay’addo ay kamid tahay  Hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee FAO.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *